MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Madaxweynaha Somalia oo sharaxayay Dastuurka cusub ee Somalia xili uu ka hadlayay munaasabad uu abaal marin largeed ku siinayaya Arday ku guuleystay Tartan Quraan Akhris ahaa ayaa si cad u sheegay in Dastuurka uusan ku jirin wax lidi ku ah Diinta Islaamka.
Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in Dastuurka Somalia ay ku cadahay inaan Somalia laga dhisi karin Kaniisad ama Macbad gaaladu leeuihiin.
“Dadka aan Muslimka ahayn Dalkeena waa iman karaan kumana qasbayno inay diimahooda ka tagaan islamarkaana Muslim noqdaan balse iyaga waxaa ka mamnuuc ah inay diimahooda Dalkeena ku faafiyaan”ayuu yiri Madaxweyne Xassan
