Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweyn meeqaamkeedu aad u sareysay loogu sameeyay Qasriga Madaxtooyada Al-Itixaadiya ee magaalada Qaahira ee Caasimadda Jamhuuriyadda Carabeed ee Masar, halkaasoo uu ku qaabilay dhiggiisa Mudane Cabdifataax Al-Sisi.
Labada Madaxweyne ayaa wada hadaladooda diiradda ku saaraya xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal, iskaashiga istaraatiijiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, iyagoo wadajir shir jaraa’id u qabanaya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya















