Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw si rasmi ah xariga uga jaray kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya wajigiisa 1-aad.

Mubaasabada furitaanka waxaa ka soo qeybgalay madaxda dalka oo dhan sida madaxweynaha ,Ra’iisulwasaaraha ,labada Gudoomiye Baarlamaan iyo labada aqal baarlamaan.

Advertisement

Labada Gudoomiye waxay aad usoo hadal qaadeen daadadka iyo fatahaadaha dalka ka jira xili dhibaatooyin ay ka dhasheen inta badan degmooyinkii biyahaasi harqiyeen.

waxay ku baaqeen in Gurmadka la iska garab siiyo sidii loogu gurman lahaa dadkaasi Soomaaliyeed.

Labada Gudoomiye Baarlamaan ayaa hadalo kooban ay ja jeediyeen fadhiga kasoo ay ku cadeynayeen in sharci ahaan kalfadhiga uu furaayo madaxweynaha kadib waxay ku soo dhaweeyeen Madaxweynaha kaasoo khudbad kadib si rasmi ah u furay shirka.

Madaxweyne Xasan ayaa soo hadal qaaday dagaalada lagula jiro alshabaab,Fatahaadaha wabiga ,wax ka badalka dasuurka iyo guushii Soomaaliya ay ka gaartay ku biiritaanka Dallada Bariga Afrika.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COMNo description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleCumar C/rashiid iyo Museveni oo ka hadlay guusha Dowlada Somalia
Next articleMuxuu ku saabsan yahay heshiiska kala saxiixdeen Somalia iyo Imaaraadka+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here