HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo soo rogay amar uu kaga hortagayo shirqool uu hore...

Madaxweyne Xasan oo soo rogay amar uu kaga hortagayo shirqool uu hore ugu dhacay Farmaajo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Dowlada Soomalia ee uu hogaamiyo Madaxweyne Xasan ayaa amar culus ka soo saartay si ay uga hortagto shirqool uu hore ugu dhacay Madaxweynihii hore ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud,

Dowlada waxay gabi ahaanba mamnuucday in Magaalada Muqdisho lala soo galo  gaadiidka Soomaaldidu u taqaan Tiknikada ee hubka waa weyn uu saaran yahay sida dhashiikaha,dhilkaha,suuga B10-ka iyo kuwa kale oo dhan.

Xogta aan heleno ayaa sheegaysa in Madaxweyne Xasan oo ka mid mucaaradkii xiligii Farmaajo uu hada doonayo inuu ka sii hortago shirqoolkii ay u dhigeen Farmaajo kaasoo ahaa inay ciidamadii Bad-baado Qaran u adeegsadeen saraakiisha ciidamada Dowlada sida Milateriga kuwaasoo gobolada ka soo xarooday.

Shirkqoolkaasi loo dhigay Farmaajo wuxuu ku qasbay oo cadaadis daran saaray Dowladaasi inay joojiso muda kororsihii ay waday walow hal sano ay marsatay hadanma waxaa lagu qasbay dagaal maalin iyo haben socday kadib Dowladii Farmaajo ay qabato doorasho taasoo uu ku soo baxay Madaxweynaha hada haya xilka ee Xassan Sheekh.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -