Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa ka dhoofay shalay Magaalada Dhuusa-mareeb oo bilahaan danbe fariisin u ahayd .

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa la sheegay inay  safreen islamarkaana gaareen Dalka Jabuuti,warar horu dhan ah oo la helay ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu kulan la qaadan doono dhigiisa Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Advertisement

Labada Masuul waxay ka wada hadli doonaan sida wararka aan ku  helnay laba qodob oo kala ah dagaalka Alshabaab Dowladu kula jirto iyo arimo ku saabsan sidii dib loogu dhigi lahaa qorshihii bixitaanka Ciidamada ATMIS.

Madaxweyne Xasan waxaa la sheegay inuu Madaxxweynaha Jabuuti ugu tagay sidii ay uga dhaadhicin lahaayeen Midowga Afrika in mudo sedex bilood ah dib loo dhigo qorshaha wajiga koowaad ee dhimista ciidamada Atmis madaama Dagaala Alshabaa uu sii xoogeystay.

Ma jirto warcad oo laga helay Madaxtooyada kaasoo ku aadan in safarka Madaxweynaha ay la xiriirto ka hadalka arimaha ciidamada Atmis.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo safarkii Lixaad ku tegay Tanzania muddo Laba  Bilood ah - Goobjooge.net: Somali News, Somalia news Analysis.

Previous articleSoomaaliya oo codsatay in la hakiyo qorshihii dalka looga saaraayay Ciidamada Midowga afrika
Next articleSafaarada Mareykanka iyo Muuse Biixi maxay ka wada hadleen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here