HomeWarkiiMadaxweyne Xasan oo ubax dhigay Taalada SYL+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan oo ubax dhigay Taalada SYL+SAWIRRO

Muqdisho, 15 May 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ubax dhigay Taallada SYL ee magaalada Muqdisho, xuska munaasabadda halgankii gobannimo-doonka ee Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed awgeed.
Madaxweynaha ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda qiimaha badan ee 15-ka May, isaga oo ku bogaadiyay kaalinta muuqata ee ay ku leeyihiin horumarinta dalka iyo halganka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta.
Intii uu ku sugnaa Taallada halgameyaashii SYL, Madaxweynaha waxa uu xus iyo duco u sameeyay 13-kii dhallinyaro ee aas-aaska u ahaa Ururka SYL kuwaas oo horseed u noqday xornimada dalka. Madaxweynaha ayaa sidoo kale shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ku dhiirrigeliyay in ay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda iyo dowladnimadooda, kuwaas oo ka mid ahaa mabaadi’da saldhigga u ahayd halgankii SYL.May be an image of 6 peopleMay be an image of 13 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people and suitMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 8 people and textMay be an image of 12 people and daisMay be an image of 7 people, dais and textMay be an image of 12 people, dais and text that says "15MAY1943 SYL 0 15MAY 15 MAY u"May be an image of 12 people and textMay be an image of 7 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -