Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, isagoo u rajeeyey in uu ku guleysto waajibaadka loo igmaday.

Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey musharraxiintii xilka madaxtinnimo, Guddiga Doorashada iyo Golaha Wakiillada Puntland dadaalkii ay geliyeen sidii ay u qabsoomi lahayd doorasho loo dhanyahay oo ku qabsoomta jawi nabadeed.

Previous articleIlyaas Cismaan Lugatoor oo loo doortay Madaxweyne xigeen
Next articleMadaxweynaha Somalia oo u safray Dalka Ereteria

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here