Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Muqdisho dib ugu soo laabtay kadib safar laba maalmood ah oo uu ku tagay dalka Eritrea.

Advertisement

Madaxweyne Xasan ayaa dhigiisa Eritrea Isaias Afwerki kala hadlay arrimoku saabsan xiriirka labada waddan iyo kan Geeska Afrika sida lagu sheegay war ka soo baxay wasaarada warfaafinta Eritrea.

Sida ay sheegtay Idaacada VOA-da laanteeda afka Soomaalida war-saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada warffaafinta Eritrea waxaa kale oo lagu sheegay  in labada hoggaamiye ay ku heshiiyeen inay si xooggan uga wada shaqeeyaan xiriirkooda iyo iskaashigooda iyo kuwa gobolkaba, saldhig looga dhigayo niyad dulqaad iyo wax dhisid ku salaysan, la iskana xamaymanayo ka jawaabista ajandayaasha kala duwan ee daandaansi, ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkaas.

Dowlada Eritrea waxay balan qaaday inay  soo saari doonto war  ku saabsan arrimaha labada waddan ee ku cadaa wada-hadalada labada hogamiye.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Previous articleTaajkii Dameerka iyo Heshiiskii Adis
Next articleUS iyo UK oo sheegtay inay drons badan ka soo rideen Xuutiyinta

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here