Muqdisho, 15 October 2023: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ugu jaray Waddada Maxamuud Xarbi ee Degmada Warta Nabadda iyo waddada Cusub ee loogu Magacdaray Madaxweynihii hore ee dalka Cali Mahdi Maxamed ee Degmada Cabdicasiis.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Maamulka Gobolka Banaadir ee uu hogaamiyo Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) dib u dhiska kaabeyaasha dhaqaalaha oo ay ugu horreyso waddooyinka, taasi oo muhiim u ah isu socodka dadweynaha, kobcinta dhaqaalaha iyo bilicda Caasimadda Muqdisho.
Munaasabadda Xarig jarka wadooyinkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda, Guddoomiyaha Degmada Cabdicasiis, Agaasimeyaal iyo qeybaha kala gedisan ee Bulshada.
— DHAMAAD —
Previous articleDekada Kismaayo oo lagu wareejiyay Shirkad Imaaraadka Carabta laga leeyahay
Next articleMadixii sirdoonka iyo sahanka Alshabaab oo lagu qabtay Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here