New York; Diseembar 12, 2023:
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa uu ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.
Shirkan oo ay Soomaaliya soo qaban qaabisay ayna ka qeyb-galayaan 26 dal, Qaramada Midoobey, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo kan Afrika ayaa Madaxweynuhu waxa uu ku soo bandhigay qorsheyaasha hirgelay ee dib u dhiska ciidamada, xoreynta deegaannada ku jira gacanta argagixisada, muhiimadda iskaashiga amniga ee heer qaraadadeed iyo heer caalam, bixitaanka ciidamada ATMIS iyo xasilinta siyaasadeed ee Soomaaliya.
“Dhimista tirada ciidamada ATMIS ee Soomaaliya oo haatan socota waxay caddeyn u tahay horumarka aan ka sameynay qorshaha xaqiijinta Soomaaliya xasilloon oo leh hay’ado amni oo si buuxda ula wareega mas’uuliyadda sugidda amniga dalka.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa uga mahadceliyey dalalka ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee taageeray in cunaqabateynta hubka laga qaado Soomaaliya, haatanna ku garab taagan cafinta deynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida.
“Waxaan soo dhaweynayaa go’aankii taariikhiga ahaa ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay uu cunaqabateynta hubka kaga qaaday Soomaaliya. Tani waa guul muhiim ah oo u soo hoyatay Soomaaliya, waxayna muujinaysaa horumarka la taaban karo ee ku yimid hannaanka maamulka hubka iyo rasaasta ciidamada, iyadoo go’aankani uu awood noo siinayo in aan si buuxda u qalabeyno ciidamada Qaranka Soomaaliya”.
Shirkan waxaa ka soo qeyb-galay dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.
DHAMMAAD
May be an image of 1 personMay be an image of 5 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 people, newsroom and text that says "GERMANY QATAR SAUDI SAUDIARABIA ARABIA TÜRICİVE"May be an image of 4 peopleMay be an image of 1 personMay be an image of 2 people, people studying, newsroom and text that says "SOMALIA"May be an image of 4 people and textMay be an image of 4 people and textMay be an image of 1 person and text that says "FINLAND"May be an image of 5 people and textMay be an image of 3 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 7 people and textMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 9 people
Previous articleRa’iisulwasaare Xamze oo sheegay in Xukuumadiisu ka go’an tahay hirgelinta isbeddel muuqda+SAWIRRO
Next articleTaliyaha Ciidamada Lugta Somalia oo booqday Fariisimaha Ciidamada ee Hiiraan iyo Sh.dhexe+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here