Todobaatan iyo Laba saac (72) kadib Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxaa u buuxsami doono 30 cesho oo ka soo wareegatay doorashadiisa, waxaana muddaas 3 maalmood ah laga sugayaa in uu ku magacaabo wasiirka 1-aad ee Xukuumadiisa.

Haddii uu kadib dhaco waqtigaas Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu noqon doonaa Madaxweynihii 2-aad ee jebiya dhaqan siyaasadeed oo soo jiray tan iyo Madaxweyne Aadan Cadde oo dhigayay in 30 cesho lagu magacaabo Raysal Wasaaraha dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kadib dhacay mudadaas sanadkii 2020-kii markii ay Golaha Shacabka kalsoonida kala laabteen Xasan Cali Kheyrre, Madaxweynaha hadda xafiiska joogo waxa uu xiligaas Farmaajo ku eedeeyay in uu ku xadgudbay dhaqan siyaasadeedkii dhigayay in muddo bil ah lagu magacaabo Raysal Wasaaraha dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu heestaa fursad uu ku magacaabi karo Raysal Wasaarihiisa iyadoona wararku sheegayaan in uu xushay qofkii uu magacaabi lahaa, balse lama oga sababta uusan ilaa hadda ugu dhawaaqin wasiirkiisa 1-aad oo aad loo dhawrayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here