Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalka, waxaana uu kala hadlay in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo  hirgaliyo  hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso  xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga dalka  ay kula wareegayaa amniga dalka iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Advertisement

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al-Shabaab, iyagoo Sidoo kale  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taaganyahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Previous articleWararka xanta ah ee suuqa kala iibsiga ee kubada cagta
Next articleKulamada Golaha Shacabka oo la hakiyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here