Advertisement

Madaxweyne Xasan Sheekh oo salaaddii Jimcaha ka hadlayay Madaajidka Madaxtooyada ayaa si weyn u dhaliilay hannaanka Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ku doonayo inuu ku wajaho doorashada Puntland.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa uga digay Madaxweyne Deni iyo maamulkiisa inay isku dayaan doorasho aan la isku raacsaneyn, wuxuuna hoggaanka Puntland ugu baaqay inay ka feejignaadaan tallaabo kasta oo khal-khal gelin karta nidaamkii ay horay Puntland ugu soo caana maashay.

Xildhibaano iyo Wasiiro ku sugnaa Masaajidka Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan waxba u reeban Madaxweyne Deni oo uu si weyn u dhaliilay qorshihiisa doorashada Puntland, kaddib muddo uu ka baaqsanayay inuu bannaanka u soo baxo khilaafka isaga iyo Madaxweyne Deni.

Saddex habeen ka hor ayay aheyd markii Madaxweyne Xasan Sheekh uu sheegay in uusan jirin khilaaf siyaasadeed oo dowladda Federaalka iyo Puntland u dhaxeeya.

Advertisement

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here