Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray dalka Mareynkanka halkaas oo uu kaga qeyb geli doono shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington.

Shirkan oo socon doona muddo saddex cisho ah ayaa looga hadli doonaa muhiimadda xiriirka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga; dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo isbeddelka cimilada.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka mid ah madaxda  Afrika ee shirkan lagu casuumay ayaa jeedin doona khudbad ku saabsan  la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada, guulaha dowladda Soomaaliya ay ka gaartay ciribtirka la dagalanka Al-Shabaab, iyo dhinacyada kale ee dowladda Soomaaliya ay muhiimadda siineyso in ay iskaashi ka sameyso.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulamo doceedyo la qaato Madaxda Afrika ee ka qeyb galeysa Shirka Mareykanka iyo Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here