Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ka qeyb gelaya Fadhiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa gaaray magaalada Washington ee dalka Maraykanka.

Madaxweynaha ayaa khudbad ka jeedin doona Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey isagoo la wadaagaya dalalka xubnaha ka ah Golaha xaaladda amniga Soomaaliya iyo dagaalka ka dhanka Al-Shabaab, waxa uuna Madaxweynuhu xoogga saaraya sidii Soomaaliya looga qaadi ahaa cunaqabateynta hubka  islamarkaana taageero ballaaran oo caalami ah loogu heli lahaa wajigaa 2-aad ee dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab.

Advertisement

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxweynaha Soomaaliya  Cabdiqaadir Cali Dige ayaa faah faahin ka bixiyay safarka Madaxweynaha iyo ka qeyb galka Shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa  kulammo la qaadanaya masuuliyiinta dalka Maraykanka iyo madaxda Hay’adaha caalamiga ah, waxa uuna xoogga saaraya sidii loogu heli lahaa  taageero caalami ah dadaalka dowlada ay ku bixineyso  xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-Shabaab  iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran iyo

Previous articleSoomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay dardar gelinta wada-hadallada DFS & Somaliland
Next articleMaamulka Gobolka Banaadir oo Hay’adaha Ammaanka kala hadlay adkeynta Amniga Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here