MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KU ADKEEYEY ODEYAASHA DHAQANKA GALMUDUG XOOJINTA MIDNIMADA LAGU WAJAHAYO ARGAGIXISADA IYO XOREYNTA DEEGAANNADA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay odayaasha dhaqanka Galmudug oo ay wehelinayaan Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Kuxigeenkiisa Mudane Cali Daahir Ciid.

Advertisement

Madaxweynaha ayaa odeyaasha dhaqanka kala hadlay xoreynta deegaannada ay argagixisada Alshabaab kaga harsan yihiin Galmudug, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha ku saleysan kala qeybinta dadka deegaanka iyo isku dirkooda ee ay maleegayaan argagixisadu, si ay u sii cimri-dheeraystaan, una hor istaagaan nolasha iyo horumarka Bulshada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee hortaagan horumarka Galmudug ay tahay argagixisada Alshabaab, haddii la dhammeystiro xoreynta deegaannadana ay fududaanayso in la hirgeliyo mashaariicda horumarinta, dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha iyo adeegyada aas-aasiga ah.

Kulankan oo qeyb ka ah kulammada abaabulka dadweynaha ee dagaalka ka dhan ah Khawaarijta oo Madaxweynaha Jamhuuriyaddu uu ka wado Galmudug ayaa odeyaashu dhaqanku waxa ay uga mahadceliyeen Madaxweynaha sida ay uga go’an tahay in la dhammeystiro halkan xoreynta deegaannada iyo xaqiijinta Soomaaliya horumarsan oo nabad ah.

 

 

Previous articleWaa sidee Xaalada Caasimada Talyaaniga ee Roma Soomalida ku Nool
Next articleHogaamiyihii afgambiga Niger General Tchiani: Waa nabad ilaaliyihii hore ee Qaramada Midoobay oo xukunka qabsaday

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here