Home WARKII Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Mareykanka + Ujeedka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Mareykanka + Ujeedka

0
 Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa saacadaha soo socda ku sii jeeda dalka Mareykanka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo xaqiijiyey in madaxweyne Xasan Sheekh uu ka qayb-gali doono shirka Afrika iyo Mareykanka oo ka furmaya dalkaasi.

Shirkan oo ah mid ballaaran ayaa waxaa lagu casuumay madax kala duwan oo Afrikaan ah, ayada oo diiradda lagu saari doono xoojinta iskaashiga dalalka Afrika iyo Mareykanka.

Sidoo kale waxaa la filayaa in madaxweynaha uu khudbad ka jeediyo shirkan, taas oo uu uga hadli doono fursadaha ka jira Soomaaliya iyo arrimaha maal-gashiga.

Booqashadan ayaa noqoneyso tii labaad ee uu madaxweynuhu ku tegayo Mareykanka, wuxuuna horey uga qayb-galay shirka golaha guud ee QM oo ka dhacay New York.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here