Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay odayaasha dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta heerarka kala-duwan ee dowladda ku matala Galmudug si loo dar dar geliyo abaabulka howgalka billowday ee dhammeystirka wejiga koowaad ee xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa dhaqanka, siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qayb qaadan-lahaaayeen, halganka dib loogu xoreynayo deegaannada ay Al-Shabaab kaga sugan gihiin Galmudug, si dhibaatooyinka nololeed, amni iyo horumar la’aan looga dulqaado shacabka ay muddada dheer haystaan.

Advertisement

Kulamadaan ayaa waxaa ay kusoo aadayaan xilli ay billaawdeen howlgalladii lagu xoreyn lahaa degmada Ceelbuur, isla markaana Ciidamada dowladda ay la waregeen degmada Wabxo ee Gobolka Galgaduud.

Previous articleGuddoomiye Aadan Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya
Next articleMadaxweyne Biixi oo loo doortay musharraxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here