Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmay wafdi ka socday Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sucuudi Carabiya oo uu hoggaaminayey Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis.

Madaxweynaha oo ka guddoomay dhambaal ay uga sideen Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis iyo Dhaxal-suge Maxamed Binu Salmaan ayaa dul istaagay mudnaanta ay siineyso Soomaaliya xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadagaan walaalahooda Sucuudiga oo ka mid ah dalalka safka hore kaga jira garab istaagga iyo taageerada dalkeenna, xilliyadii adkaa.

Advertisement

Kulanka kaddib, Lataliyaha Diiwaanka Boqortooyada Mudane Axmed Binu Cabdicasiis iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Sheekh oo Warbaahinta uga warbxiyey booqashada wafdiga ee Soomaaliya ayaa xusay in Boqortooyada Sucuudigu ay diyaar u yihiin in ay Soomaaliya ku garab siiyaan amniga iyo maalgashiga, taas oo door ka qaadan doonta xasiilloonida iyo shaqo abuurka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

 

 

Previous articleMuxu ahaa Sharciga Golaha Wasiirada ee Ansixiyeen ?
Next articleDFS iyo Imaaraadka oo ka shiray xoojinta xiriirka Baarlamaannada labada Dal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here