Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehlinayo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Jubaland Mudane Axamed Maxamed Islaam ayaa salaadda Jimcaha ku  Tukaday Masjidka Madaxtooyada ee Jubaland ee Magaalada Kismaayo.

 

Advertisement

Madaxweynaha oo khudbad u jeediyay jamaacada Masjidka ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u heshiisiinta, dib u xoreynta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubaland.

 

Madaxweyne xasan  Sheekh  ayaa Magaalaa kismaayo u jooga dhameynta xiisada siyaasadeed ee ka taagan gobolka  Gedo iyo dar dargelinta wejiga labaad  Hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee dhwaan ka bilaabanaya degaanada Jubland iyo Koofur galbeed