Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta kormeer shaqo ku tagay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, halkaas oo ku sugan yihiin Saraakiil iyo Ciidamo farabadan oo ka tirsan Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ujeedka kormeerka Madaxweynaha ee Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa waxaa lagu sheegay in uu u kuurgalayay hannaanka shaqo ee Wasaaradda iyo Taliska Guud ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa kala duwan la qaatay  taliyeyaasha iyo saraakiisha hoggaannada Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iayag oo ka wada hadlay amniga guud ee dalka iyo sidii loo bilaabi lahaa howlgallada ka dhanka ah ururka Al-Shabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula daraarmay saraakiisha Ciidamada inay u diyaar garoobaan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolada dalka si loo xaqiijiyo Amniga Guud ee dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xilligii uu ku jiray ololaha doorashada waxaa uu sheegay in uu muhiimada koowaad uu siin doono amniga dalka iyo la-dagaalanka Al-Shabaab, waxaana kormeerkaan uu yahay midkii ugu horreeyay ee uu ku tago Wasaaradda Gaashaandhigga tan iyo markii la doortay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here