Madaxweynaha Jahmuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa safar shaqo manta ugu amba-baxay dalka Ereteriya, xilli shalay uu kasoo laabtay dalka Masar.

War kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mudnaanta siinayo Ciidamada Soomaaliyeed ee ku sugan dalkaas iyo kor u qaadidda doorka dalalka Gobolku ay ku leeyihiin dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa dhigiisa dalka Ereteriya Mudane Asias Afwerki la yeelan doonaa wada-xaajoodyo ku saabsan kor u qaadidda xiriirka labada dal iyo iskaashiga labada shacab ee walaalaha ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here