HomeWarkiiMadaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay Donald Trump

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u jawaabay Donald Trump

Madaxweynaha Somalia ayaa Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay hadaladii dhawaan ka soo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ahaa in Somalia aysan dowlad ka jirin oo amni iyo kala danbeyn aysan jirin islamarkaana ay tahay houga argagaxisada.

Madaxweyne Xasan wuxuu ugu horeyn beeniyay warka Trump ee ah in Somalia tahay Dowlad la’aan iyo inay tahay hoyga argagaxisada balse wuxuu carabka ku dhiutay in Somalia ay mar soo martay ay ahayd hoyga argagaxisada.

“aad baan uga soo horjeedaa hadaladii ka soo yeeray Trump , ma jirto wax awood ah oo argagaxisadu ku leeyihiin Somalia, hore waa u jirtay in dalku soo aray in argaxisadu hoy u ahayd laakiin hada waan ku diidanahay Trump” ayuu yiri Dr.Xasan Sheekh.

Madaxweynaha oo BBC-da la hadlayay ayaa dhanka kale wax laga weydiiyay hadii uu cabsi ka qabo inay alshabaab dilaan, wuxuu kaga jawaabay in Alshabaab 5 jeer isku dayeen inay dilaan balse ay ku guul dareysteen.

“waxay aaminsan yihiin in hadii ay Madaxweynaha dilaan uu qalqal amni dalku galayo iyagana ay guul u tahay, aniga ogahay in nolosheydu dalka muhiim u tahay,waan tagaa furimaha dagaalka halkaasoo ay iga toogan karaan laakiin ma cabsado oo miihi qof iyaga xabsi ugu jira”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMaxay diblomaasi ahaan ka dhigantahay warqadda Xasan Sheekh 'u diray' Trump,  Maxaase ka dhalankara? - BBC News Somali

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -