Xasan Sheekh oo weerar afka ah ku qaaday Farmaajo

0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kamid ah Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu si cad ugu tumanayo dastuurka dalka, waxa uuna cadeeyay in khaladaad badan oo dhinaca sharciga ah gashay dowlada uu hogaamiyo Farmaajo mudooyinkii ugu dambeeyay.

Waxa uu sheegay Xasan Sheekh in Madaxweyne Farmaajo isku koobay dhamaan howlihii dalka ka socday, waxa uuna hab dhaqanka Madaxweynaha iyo sida ay hada wax ku socdaan ku sifeeyay iney la mid tahay kali talisnimo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay in dalka mudo 53-cisho ah uusan laheyn Ra’isul Wasaare, waxa uuna xusay in aysan hadana muuqan ifafaalo lagu soo magacaabayo Ra’isul Wasaare.

“Madaxweynuhu waxa uu sameynayo dastuurka sax kuma ahan, waxba kama duwana Madaxweynaha waxa uu sameynayo nin gabar ay kala tageen weli ilmo u dhaleyso, xaaskii ay kala tageen oo furay asoo weli xaas ay u tahay oo kale waaye, Xukuumadda maanta jirtana waa saas, sharci maaha waa sharci darro”ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in aysan indhaha ka fiirsan xaalada halista ah uu dalka u horseedayo Madaxweyne Farmaajo gacana ka geestaan badbaadinta dalka iyo dadka.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here