waxaa la is weeydiinaya sababta marar badanba fashil ugu yimaado goobaha difaacyada ciidamada xooga dalka o Alshabaab ula wareego / ciidanadu uga soo baxaan meelaha ay qabsadeen.!!

Advertisement

sida xogaha la xaqiijiyay lagu helayo madaxweyne xasan shiikh way ka go antahay inuu dalka xoreeyo balse waxaa farqaha ugu jiro Alshabaab uusan fahamsanen o talaab walba oo uu qaado fashilinaya, caqabada ugu weyn waxaa ku ah wasiirkiisa Gaashaandhiga oo sabab u ahaay in ciidamada xooga dalka furimaha qaar lagu jabsho qaarna ay ka baxeen furimaha dagaalka, kadib markow faragalshay shaqada taliyaha ciidanka isla markaana ciidamada ka jartay diyaaradaha iyo agabka kale e ay u baahnaayen, hadaan wasiir madaxa na furan xilka laga qaadin waa xaqiiq guulo laga gaari maayo Alshabaab,

qofka labaad ee madaxweýnaha lugooyada ku wado waa taliyaha NISA mr mahad Salaad waa laba wajiile ku caan ah wax is daba marinta iyo qiyaanada wuxuu hayaa Hay’ada Nisa oo laga rabay inay ciidamada furimaba joogo uso gudbiso xogaha kooxda khawaarijta alshabaab iska daa inuu xog uso gudbiye wuuba dhabar jabsha ciidamada, maalmo hore madaxweynaha wuxu kaso qaatay malaayiin dollar iyo saad ciidan o ku kacayay malaayin dollar kuwaas oo uu u sheegay inuu ciidamo kumanaan ah o Al-shabab ka ku dhumanaya banaanka dhuusamareeb ilaa Xarardheere ka xoreeya,

lkn ila hada lama haayo ciidamadii uu madaxweynaha qarashka iyo hubka uga qaaday marka saadka iyo hubka la siiyay ayey so baxeen Khawaarij afar xabo ah oo joogay meel dhuusamareeb u jirto 20km ayaa xabadeeyay isla goobta ayey hubkii ugu daadshen o shabaab ayey ku wareejiyeen wayna carareen mid walba gurigiisa ayuu dib ugu laabtay, taas o dhabar jab ku noqotay damacii iyo hadafkii madaxweynaha oo mudo 20 cisho ah ku sugan magaalada dhuusmareeb, hadii uusan madaxweyne xasan shiikh hurdada ka kicin o labadaas nin iska hor wareejin run ahaanti guul inuu gaaro way adkaan doontaa,.

Xigasho Garaad media

Previous articleYaa bixiyey Amarka looga soo baxay Wabxo iyo Dac
Next articleCirro & Waraabe oo soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay Guddiga Dhexdhexaadinta Jabhadda Gacan-Libaax iyo Xukuumadda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here