Madaxweyne Xasan Shiikh oo dhawaan jeediyay khudbad uu kaga hadlayay xaaladda dalka iyo dagaalka lagula jiro kooxda AS ayaa yiri “ha ugu shaqeyn Kooxda AS ogaal la’aan, waxey xiganayeen masuuliyiin hadlay oo ogaal la’aan ugu shaqeeyay kooxda, iska jira walaalayaal, kuwa ogaalka ula shaqeeya ee colaadaha beelaha iyo isbaarooyinka ku howlan waa naqaan si aan ula dirirno, ee adinka ogaal la’aan ha ugu adeeginina”.

Hadalkan ayaa sida muuqata ku socdo Xildhibaan ay kooxdu soo xigatay hadal uu ka jeediyay baarlamaanka dhexdiisa, kaas oo hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada.

Madaxweyne Xasan Shiikh “Dalka wuxuu ku jiraa xaalad aan caadi aheyn, yeynaan u dhaqmin sida ummad ku nool dal xaaladdiisu caadi tahay, xornimaa u kacnay, dagaal ayaana ku jirnaa”

“Kooxda AS waa taariikh, waa tageen, maanta Aadan Yabaal oo ay dadka ku dhibaateyn jireen inta ugu yeeraan waxaa jooga ciidamada xoogga, taariikh na dhaaftay u arka, waa ka adkaanay, walina waa ku daba jirnaa” Madaxweynaha Dalka Xasan Shiikh Maxamuud ayaa yiri sidaa.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweyneyaasha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed isagoona sheegay in ay how adag oo diyaar garow ah ku jiraan.

“Waxaa rabaa inaan u mahadceliyo madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed oo diyaar garow weyn ku jira, kaas oo ay iskaga xoreynayaan kooxda khawaarijta ah, waxaa toddobaadyada soo aaddan maqli doontaan war farxad leh oo ka yimaado labadaan maamul”. Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sidaa yiri.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa sheegay in 2060 oo ay Soomaaliya u buuxsameyso 100 sano oo xorriyad ah, haddana ka harsantahay 38 sano, dadka wax kaga weydiinaayo haddey saan kusii jirto aa innaga nahay.

“Soomaaliya xornimada waxa ay qaadatay 1960-kii, 62 sano ayaa laga joogaa, 38 sano ka dib, waxaa Soomaaliya u buuxsameyso 100 sano oo xoriyad ah, 32 sano dagaal sokeeye iyo mid diimeed ayaa ku jirnaa, haddaa sidaan kusii jirno 38 sano ka dib dadka wax laga weydiinaayo waa innaga, aragtideennu ha sarreyso, shabaab waa baxeen ee aan ka fekerno waxa inoo xigi doono”.

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri madaxweynaha “Ganacsatada Soomaaliyeed waa in ay kasii fekeraan deyn cafinta ka dib mashaariic horumarineed, si deynta aa qaadan doono ugu fulino mashaariicdaas, oo aan daqli ugu soo xareyno dalka, deyntana iskaga gudno”.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyay in waayihii kooxda AS uu soo dhammaaday, una diyaar garoobaan Soomaaliya nool Shabaab la’aan.

“Qofkii shaki uga jiro in uu dhammaaday waayihii kooxda khawaarijta ah maanta ha ogaadaan, wuu soo dhammaaday mashruucii argagaxisada, waa inaan u diyaar garownaa hadda waxaan sameyn laheyn iyaga ka dib, sida horumarinta dalka, dib u heshiisiinta dadka Soomaaliyeed iyo kobcinta dhaqaalaha dalka”.

Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa markii ugu horreeyay shaaciyay cadadka deynta ah ee dalka lagu leeyahay.

“Dalka waxaa lagu leeyahay lacag 5 Bilyan ah, 10 sano ayaa la soo tacaaleenay sidii la nooga cafin lahaa, meel fiican ayey soo gaartay hadda, bilaha soo aaddan waxaa ku rajo weynahay in la naga cafiyo dhammaanteed, si aan fursad ugu helno inaan deyn kale qaadano, ku dhisano Dekado, Warshado iyo ilo dhaqaale oo lacagta nooga soo xarooto aan qaar dalka ku horumarino qaarna deynta iskaga gudn”z

Isaga oo hadalkiisa sii wato ayuu yiri madaxweynaha “Ganacsatada Soomaaliyeed waa in ay kasii fekeraan deyn cafinta ka dib mashaariic horumarineed, si deynta aa qaadan doono ugu fulino mashaariicdaas, oo aan daqli ugu soo xareyno dalka, deyntana iskaga gudno”.

Madaxweyne Xasan Shiikh wuxuu sheegay qorshaha xiga deyn cafinta.

“Haddii la naga cafiyo deynta waxaa fursad u heleynaa in deyn kale oo boqolaal Bilyan ah aa qaadano, ma daaraa ku dhisaneynaa?, waa maya, waxaa galineynaa warshado iyo dhismaha dekado, si daqliga ay noosoo xareeyaan aan qaar deynta iskaga gudno, qaarna dalka ku horumarino”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here