HomeWarkiiMadaxweyne Xassan iyo hadaladii uu goor dhaw ka jeediyay shirka Dalalka Islaamka+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan iyo hadaladii uu goor dhaw ka jeediyay shirka Dalalka Islaamka+SAWIRRO

Dooxa, Sebteembar 15, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir-madaxeedka degdegga ah Dowladaha Carabta iyo Islaamka oo lagu qabtay magaalada Dooxa ee dalka Qatar kaas oo looga hadlayey weerarkii Israa’iil ay ku qaaday dalkaas.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay u barbar taagan tahay dowladda iyo shacabka Qatar, xilligan adag, isagoo muujiyey in weerarkan uu yahay xadgudub lagu sameeyey dhammaan dalalka Carabta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo adkeeyey muhiimadda midnimada iyo iskaashiga dalalka Carabta iyo Islaamka ayaa dul istaagay mowqifka taariikhiga ah ee shacabka iyo dowladda Soomaaliya ay ku garab-taagan yihiin walaalahooda Falastiin oo la dhibaataysan gumaadka iyo gumaysiga ay ku hayaan Yuhuuddu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin mideysan oo lagu xaqiijinayo hirgelinta dowladda Falastiin ee caasimaddeedu tahay Qudus, waxa uuna soo bandhigay in loo baahan yahay in la dhaqangeliyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo go’aannadii Qaramada Midoobay, si loo joojiyo falalka gardarrada ah ee Israa’iil, loona ilaaliyo xasilloonida gobolka.

DHAMMAAD
Mohamed Dugoow,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

May be an image of 10 people and daisMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of ‎8 people, dais and ‎text that says "‎غنااايت العالع قطر دولة State of Qatar AB -ISLAMICSUMMIT -ISLAMIC SUMMIT HE ISRAELI ATTACK TATE OF QATAR STATE QATAR 15 15 SEPTEMBER2 2025 الطارئة الإسلامية العربية القمة قطر دولة علی الإسرائيلي الهجوم لبحث قطر دولة الدوحة، 2025 سبتمبر 15 الاثنين، SOMMET ARABO-ISLAMIC POUR DISCUTER DE L'ATTAQU CONTRE L'ÉTAT DU DOHA, ÉTAT DU QATAR LUNDI, 15 SEPTEMBRE OIC Charman AR ::‎"‎‎May be an image of 1 person, table, lighting and daisMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 8 people, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -