MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa Saaka loo balansan yahay in Madaxweyne Xassan uu furo kaladhiga 7-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo hore dhowr mar u baaqday xili markii ugu danbeysay Madaxweynuhu dalbaday in dib loogu dhigo ilaa 29-ka bishaan oo maanta ku beegan.
Madaxweynaha ayaa sida caadiga ahayd waxaa lagu wadaa inuu khud-bad ka jeediyo furitaankiisa Kalfadhiga Baarlamaanka taasoo uu kaga hadli doono arimo kala duwan oo mida baarlamaanka ka mid ah sida dar daarankiisa inay xildhibaanadu inta waqtigooda ka harsan ku meel mariyaan hindise sharciyeedyada hor yaal ee muhiimka ah.
Dhanka kale Xildhibaanada mucaaradka ayaa baraha bulshada waxay shalay soo geliyeen qoraalo ay ku hanjabayaan inay Madaxweyne Xassan ku carqaladeeyn doonaan imaanshihiisa iyo khud-bad jeedintiisa iyagoo waliba si cad u sheegay inay firibi isticmali doonan .
Xildhiobaanada kuwooda baraha bulshada wax ku soo qoray waxay si aan gabasho lahayn u shegeen inay buuq ku furi doonan Madaxweynaha.
Gudoonka Baarlamaanka oo arintaan ka hadlay ayaa dhankooda ku goodiyay inay talabo ka qaadi doonan xildhibaan kasta oo qaladaad nuucaasi ku kaca furitaanka kaladhiga 7-aad ee baarlamaanka oo saaka lagu wado inuu qabsoomo.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
