MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Sooomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamud oo xalay hadalo ka jeediyay gunaanadka kulamadii lagu xusayay maalmaha xoriyada ayaa si kulul uga hadlay wararka kaga imaanaya dhanka mucaaradka marka la eego arimaha doorashooyinka.
Madaxweyne Xassan oo midnimada Somalia ka hadlayay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay mid kaliyana ay jiri karaan argiyo siyaasadeed oo la isku qaban karo.
“walaalaheen reer Waqooyi waxaan leenahay waxaan idin xiisa qabnaa inaad mar kale midnimada dalka nagala shaqeysaan waan idin jecelnahay ,way jiri kartaa aragtiyo siyaasadeed oo la isu qabi qabi karo laakiin Soomaaliya waa mid “ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Mar uu la hadlayay siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Dowlada uu hogaamiyo ayuu daboolka ka qaaday ineysan ka hor istaagi karin wadada uu ku socdo oo ah inay dalka ka qabtaan doorasho qof iyo cod ah.
“marka la eego wadada aan rabno inaan ku gaarno doorasho qof iyo cod ah, waa nala dhihi karaa wadadaan mid ka sahlan ayaan heynaa laakiin ma aqbalayno wado aan ahayn midaas”ayuu yiri Madaxweyne Xassan
“wixii sixitaan ah diyaar ayaan u nahay balse waxaa loo baahan yahay nidaam sax ah in loo soo maro in nala saxo haday wax naga qaldan yihiin balse ma aqbalayno wadadaani lama mari karo,la socon maayo inta la aadi maa “ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xassan.
XAFIISKA WARARKAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
