MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Berito oo isniin ah waxaa lagu wadaa in Dowladu qabato shirkii Madaxwene Xassan ugu yeeray siyaasiyiinta iyo maamul Goboleedyada xili mucaaradad xooggan lagaga hor yimid.
Guud ahaan waxaa shirka ka maqan labada maamul ee Jubaland iyo Puntland,sidoo kale waxaa ka maqan siyaasiyiinta Golaha samatabixinta la baxay ee uu hogaamiyo Shariif Sheekh Axmed ,sidoo kale waxaa ka maqan Maaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/laahi Farmaajo oo shuruud kaga dhigay in Puntland iyo Jubaland lagu casuumo.
Haddaba waxaa jirta suaal dad badan is weydiinayaan oo ah maxay u dhimeysaa Madaxweyne Xassan hadii mucaaradku iman waayo oo maamulada Puntland iyo Jubaland iman waayaan, yaase ka qeybgalaya hadii intaasba diideen.
Ugu horeyn markaan ku hormarno yaa ka qeybgalaya waxaa diyaarsan ururo badan oo siyaasadeed oo dhawaan dowlada ka qaatay kaararkooda aqoonsi inay yihiin ururo siyaasadeed oo doonaya inay u tartamaan xilka madaxweynaha,sidoo kale waxaa shirka ka qeybgeli doona Galmudug,Hirshabelle iyo Koofurgalbeed.
Markaan u soo laabano maxay u dhimeysaa Madaxweyne Xassan hadey mucaaradku iman waayaan,dadka siyaasada taxliilaya waxay sheegayaan in cadaadis dhankaasi uu madaxweynaha wax u dhimi karo marka muda xilaadkiisu dhamaado laakiin hada oo sanad u harsan tahay isaga kaliya waxaa lagu cadaadiyay inuu qabto wuuna iclaamiyay.
Mucaaradka hadii ay tagi waayaan gogosha wax saameyn ah kuma yeelan karaan madaxweyne Xassan madaama uu qabtay shirkii , iyaga ayaaana macquul ah in cadaadis la saaro,.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
