Madaxweyne Xassan ayaa ka hadlay arimo kala duwan sida shirkii ugu danbeeyay ee mucaaradkiisa ay muqdisho ku yeesheen,arinta Daacish-ta Puntland iyo hadii uu mudo kororsi sameyn doono iyo in kale.
Madaxweyne Xassan mar uu ka hadlay shirkii mucaaradka wuxuu sheegay ineysan lahayn aragti ay ku diidaan habka siyaasadeed ee uu ku hogaamiyo Dowlada ,sidoo kale wuxuu sheegay ineysan lahayn awood la mida mida diidmada qayaxan.
Madaxweynaha mar uu ka hadlayay wada-hadalada siyaasadeed ee ay mucaaradka la yeesheen wuxuu carabka ku adkeeyay inay diideen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen iyo hanaankii Dowladu wax ku rabtay sida wax ka badalka dastuurka ayna diyaar u yihiin wax laga badalo.
Mar uu ka hadlayay arimaha mudo kororsiga ayuu si dad-ban madaxweynuhu ugu dhawaaqay inuu sameysanayo inkastoo uusan si rasmi ah ugu dhawaaqin.
“cida kaliya ee mudo kordhin ka hadli karta ay tahay gudiga doorooshooyinka madaxa banaan , Dowladu xaq uma laha inay ka hadasho mudo kordhin, anigana taas diyaar uma ihi”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
Dhanka kale wuxuu ka hadlay xiriirka maamul Goboleedyada uu la leeyahay gaar ahaan kuwa ay xurgufta kala dhexeyso ee Puntland iyo Jubaland ,wuxuu xusay in si kasta oo la isku hayo inuu jiro xiriir u dhexeeya Dowlada iyo Maamuladaasi inkastoo uusan ahayn sidii la rabay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
