HomeWarkiiMadaxweyne Xassan muxuu kala hadlay Recep Tayyip Erdoğan+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan muxuu kala hadlay Recep Tayyip Erdoğan+SAWIRRO

No photo description available.Istanbuul, Abriil 16, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Dolmabahçe ee magaalada Istanbul waxa uu kulan kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Recep Tayyip Erdoğan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta, iyadoo Madaxweyne Xasan iyo Erdoğan ay dul-istaageen miro-dhalka iskaashiga maalgashi ee Soomaaliya iyo Turkiga oo meel sare gaaray.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka Turkiga doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u dhiska, adeegyada bulshada iyo amniga.
Labada Madaxweyne ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, waxa ayna hambalyeeyeen billowga soo saarista shidaalka Soomaaliya oo markabkii qodi lahaa uu soo gaaray dalka.

DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of aircraft and textMay be an image of aircraftNo photo description available.No photo description available.May be an image of the Oval OfficeNo photo description available.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -