Su’aasha ugu weyn oo ay is weydiinayaan dadka siyaasada taxliilaya iyo shacabka ayaa ah Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh mowqifka uu ka qaadan doono dalabka mucaaradka ee hanjabaada u eg tasoo hadii uu mucaaradka kala hadlin arimajha doorashada mudo bil ah inay Dowlad kale ku dul dhisi doonan.
Warar aan cidina xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan aad ugu dhaga nugul yahay wararka mucaaradka ka soo baxa inta badan marka la eego siyaasadiisa ku dhisan inuu isku dayo rabitaankiisa inuu ku qanciyo cid kasta oo ka aragti duwan.
Wararkaasi waxay tilmaamayaan in Madaxweynuhu dhawaan warbaahinta horteeda ka sheegi doono inuu aqbalay dalabka mucaaradka waliba waxaa lagu wadaa munaasabada Dowladu ku fureyso dorashooyinka 25-ka bishaan xili Magaaladana bandow la saarao maalintaasi oo cir iyo dhul wax soconaya aan la aqbali doonin.
Dhanka kale hadiiba ay isku yimaadaan oo kulankaasi dhaco lama saadaalin karo waxa ay isla meel dhigi karaan madaama mowqifyadoodu aad u kala dheer yihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

WAA ARKI DOONNAA NINKAAN DHAC BARTAY iyo DHOOFITAAN ADUUNKA MALABKA U MOODO
WAXII DHAN AYAA KA XIRMAAYO NIN DHAC BARTAY WALIGIISA IN UU KA DAGO MA RABO.