Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayaa u safraya Dalka Itoobiya gaar ahaana Magaalada caasimada ah ee Adis-ababa halkaasoo uu kaga qeybgelayo shir ay leeyihiin Dalalka Afrika
Sida aan xogta ku helnay shirkaan waxaa looga hadli doonaa Cimilada Afrika iyadoo lagu wado in Madaxweynuhu u hogaamiyo wafdi sare ,sidoo kale madaxda dalalka Afrika ayaa iyaguna iman doona.
Shirkaani Afrikaanku leeyahay oo ah Isbadalka Cimilada ayaa waxyaabaha la isla faaqidi doono waxaa ka mid ah saameynta isbadalka cimilada afrik, hoos u dhaca wax soo saarka beelaha,fayahadaha iyo abaaraha.
Madaxda Afrika waxay isla qiimeyn doonaan sida looga hortagi karo isbadalada ku iman kara cimilada iyo raadadka ka dhasha,sidoo kale waxay isla gorfeyn doonaan yagleelida ama u diyaar garowga isbadalka cimilada sida in lala yimaado siyaasado cusub oo dhanka deegaanka iyo tamarta ah.
Madaxweynaha Somalia ayaa shirka wuxuu ka jeedin doonaa khudbad sida madaxda kalaba u jeedin doonaan isagoo Somali ahaan ka hadli sida ay la tahay in looga hor tagi karo isbadalka cimilada .
Madaxweyne Xasan wuxuu shir gaar ah la qaadan doonaan Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaasoo kaga hadli doonaan xiririlrka labada dal oo aan wanaagsaneyn inkastoo bilo ka hor ay heshiis ku kala saxiixdeen Dalka Turkey.
Dhanka kale waxaa meesha ka baxay wararkii sheegaya in Madaxweyne Xassan Adis ababa u tagayo daah-furka mashruuca biya xireenka wabiga Niil inkastoo sida hore warar diblomaasiyaadeed loogu sheegay Abit isku dayi doono inuu Madaxweyne Xassan sawirada uu la geli doono u adeegsan doono inuu dhaho wuxuu noogu yimid ka qeybgalka daah-furka biya xireenka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
