HomeWarkii Madaxweyne Xassan oo booqday xarunta Tignoolajiyada Turkiga

 Madaxweyne Xassan oo booqday xarunta Tignoolajiyada Turkiga

ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Wasiirka Dekedaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa maanta booqday xarunta Tignoolajiyada Turkiga.

Xaruntaan oo loo yaqaan  Özdemir Bayraktar ayaa waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Guddoomiyaha xaruntaasi Selçuk Bayraktar.

Madaxweynaha ayaa booqday qeybaha xaruntaani isagoo gudoomiyaha ka dhageystay sida ay u shaqeyso iyo faa’iida ay u leedahay dadka iyo Dalka Turkey.

Booqashada maanta uu madaxweynaha Somaaliya ka soo muuqday gudaha Dalka Turkey ayaa ku soo aadeysa xili maalmihii ugu danbeysay madaxweynuhu qoyskiisa waqti kula qaadanayay dalkaasi taasoo muujineysa inuu shaqadii Dowladnimo dib ugu soo laabtay madaama uu maalmo ku qaatay inuu waqti la qaato  qoyskiisa.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people, helicopter and textMay be an image of 2 people, helicopter and text that says "ELMA -E κ KIZILELMA 0F KIZI KIZİLELHA"May be an image of 3 people

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -