Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad uu caawa u jeediyey shacabka Soomaaliyeed waxa uu kaga hadlay muhiimadda taariikhiga ah ee doorashooyinka Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir, kuwaas oo astaan u ah riyo muddo dheer la sugayay oo horseedeysa in dalka ay ka hano qaaddo doorashada Dastuuriga ah ee ay xaqa u leeyihiin shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa adkeeyay in doorashadan ay ka tarjumeysa dib-u-soo kabashada dowladnimada iyo amniga caasimadda, isagoo ugu baaqay muwaadiniinta is-diiwaangeliyay in ay si buuxda uga qeyb qaataan doorashada, kana faa’iideystaan xaqooda dastuuriga ah.
Doorashada beri dhaceysa waa riyo rumowday oo taariikhdana galeysa 57 sano kadib in shacabkeenu codkooda wax ku doortaan” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
“waa taariikh mudan in loo dabaal dego,waa tusaale xoog badan oo muujinaya sida dalkeena usoo kabanayo,Dowladnimadeenuna u dhismeyso,waa marqaati ur cadaynaya in caasimadu amaan tahay, waa cadayn ka marqaati kacaysa dadka magaalada Muqdisho yihiin dad ilbax ah oo nabada jecel ,una diyaarsan si ilbaxnimo ugu doortaan dadkii matali lahaa” ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.
