HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo casuumaad ka helay Dowlada Shiinaha

Madaxweyne Xassan oo casuumaad ka helay Dowlada Shiinaha

War ka soo baxay Wasaarada arimaha dibada Shiinaha ayaa lagu shaaciyay in Madaxweynaha Dalkaasi casuumay Madaxweynaha Somalia inuu tago Magaalada Beging ee xarunta Dalka Shiinaha xili ay ku celiyeen taageerada ay la garab taagan yihiin Somaia gaar ahaan midnimada iyo wada-jir dhuleed ee Somalia.

Wasaarada arimaha dibada Shiinaha waxay warkooda ku xuseen in Shiinuhu marnaba aqbaleyn talaabo kasta oo la isugu dayo in lagu kala gooyo Wada-jirka Somaliweyn islamarkaana ay mar kasta Somalia ku taageerayaan xaqa ay u leeyihiin ilaalinta wada-jirkooda iyo midnimadooda.

“Dalka Shiinuhu wuxuu casuumaad rasmi ah u fidiyay Madaxweynaha Somalia  Xasan Sheekh inuu booqasho ku tago Dalkeena” ayuu yiri Wasiirka arimaha dibada Shiinaha

Casuumaada uu Madaxweynaha Shiinaha u soo bandhigay dhigiisa Somalia ayaa ku soo aadaya xili Jimcihii la soo dhaafay uu baaqday safar uu Muqdisho ku iman lahaa  Wasiirka arimaha dibada Shiinaha xili Muqdisho wadooyinkeeda inta badan loo xirey imaanshihiisa balse markii danbe la furay markii la xaqiijiyay inuu booqday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -