HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed+SAWIRRO

Muqdisho, 04 Agoosto, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed, kaasi oo lagu lafagurayo muhiimadda ay badaha Soomaaliya u leeyihiin koboca dhaqaalaha, amniga, ilaalinta deegaanka iyo horumarinta kheyraadka buluugga ah.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa furitaanka ku adkeeyay in badaha Soomaaliyeed ay yihiin hanti qaran oo laf-dhabar u noqon karta horumarka dalka, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah looga shaqeeyo ilaalinta, maareynta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka badda si waafaqsan shuruucda dalka iyo kuwa caalamiga ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siinayso horumarinta dhaqaalaha buluugga ah, xoojinta amniga badda, la dagaallanka kalluumeysiga sharci darrada ah iyo dhiirrigelinta maalgashiga kaabayaasha dhaqaalaha ee la xiriira xeebaha iyo dekedaha dalka.

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliyeed ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad-Goboleedyada, ganacsato, aqoonyahanno, cilmi-baarayaal, wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah iyo daneeyeyaal kale.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and text that says "IA 7aad E ИAA Goban Buluugga omala Ma Martine Conference THE THEPSOMALIA ท SOMALIA MARITIME CONFERENCE"May be an image of one or more people, dais and text that says "3 CONFERENCE MARITIME A MAR ใละ THE SOMALIA SO 영로2요니) FHL 1 SHIRWEY SHIRWEYNAHA YNAHA EEA SOOMAALIYA Taad BADAHA BAD"May be an image of one or more people, dais and text that says "3 CONFERENCE MARITIME A MAR ใละ THE SOMALIA SO 영로2요니) FHL 1 SHIRWEY SHIRWEYNAHA YNAHA EEA SOOMAALIYA Taad BADAHA BAD"May be an image of daisMay be an image of one or more people, dais and text that says "ΔΑA"May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, eyewear, crowd and text that says "OF MAR"May be an image of one or more people and crowdMay be an image of daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and people studyingMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text that says "SOMALIA DE jst MARI THE THEARITIME MARITIME CONFERENCE CONF So O ထို့း SHIRWEYNAHA SHIRTEE YNAHA 100EE AHA BADAHA LIYA SOOMAILIY ALI SHIRTad SOOMA HENCE st st CA COMERLN paлeK 1"May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎부무료 Shirweynaha Shirwe naha Badaha Soomaalya CA Maritime Confer שפרי SHIRWEY SHIRWEYAEE A Jaod EE BADAHA AALIYA Opcning remиb Remark H.E HEDrHssanSheildhMohamud Dr Hassan Sheikh Mohamud ePresident of ህ ያህካ the Federal Republilo of Somala Conferenoe renoe Maritime avos ま T4e‎"‎‎May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -