HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed +SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed +SAWIRRO

Muqdisho, Nofeembar 24, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo daahfuray Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in dowladdu ay mas’uul ka tahay ilaalinta arrimaha tiir dhexaadka u ah jiritaanka bulshada oo ay ugu horreeyaan diinta, dhaqanka, afka, amniga iyo kobcinta nolasha shacabka.

Madaxweynaha oo bogaadiyey waxbadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ayaa sheegay in qabashada Shirweynihii 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed, dhismaha xurunta wasaaradda iyo dib u habaynta arrimaha Xajka ay muujinayaan mudnaanta koowaad ee dowladdu ay siinayso culimada iyo diinteenna suubban ee Islaamka.

“Waxaan bogaadinaya wax-qabadka wanaagsan ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka oo hirgelisay Machadka Sare ee Shareecada oo ay ka qalinjabiyeen dufcadii ugu horreysa oo 197 arday, haddana ay socoto daraasadda dufcadii labaad, Waxaa kale oo guul weyn ah in la dhagax-dhigay Majliska Daarul-Iftaa oo aan rajeynayo in mustaqbalka dhow lagu qaban doono shirarka waaweyn ee culimada, dhammaan waa tusaale muuqda oo dadka dhaxal reeb u noqon doona, waxa ayna ku timid daddaal iyo hufnaan shaqo.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa culimada Soomaaliyeed ugu baaqay inay mideeyaan awooddoda, si ay hormuud ugu noqdaan shacabka Soomaaliyeed uguna hagaan midnimo iyo wadajir, taas oo door muuqda ka qaadan karta dowladnimo sal adag leh, bulsho toosan oo wacyigeedu sarreeyo, lana jaan qaada umadaha kale ee caalamka.

DHAMMAAD

Abdiaziz Hassan Mohamed (Golfyare)

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, crowd, dais and text that says "eTim: DEYBGALE GALE LE DEYE"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎EE SHIRWEYNAHAZ CULIMADA CULMADASOOMAALIYED SOOMAALIYEED الصومال لعلماء رالثلثلعلماءالصومال الثلث المؤتمر ・ 元然だタ。 205 5 SHIRWEYNAHAZ EECULIMADA SOOMAALIYEED SOOMAAL الصومال لعلمء الثالث المؤتمر‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of ‎newsroom, dais and ‎text that says "‎25 2¥25 2 برعاية رئيس الجمهورية الدكتور حسن شيخ محمود تنفيذ وقاف والشؤون الإسلامية شعارِ قوله تعالى: وتذهب ريحكم واستقراره: AAD SHIRWEYNAHA CULIMADA SOOMAALIYEED ECULIMADASOOMAALIYEED EE المؤتمر الثالث لعلماء الصومال‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -