DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor) ayaa si wadajir ah Magaalada Dhuusa-mareb waxay xarigga uga jareen mashaariic .
Mashaariicda xariga uu ka jaray Madaxweynuhu waxaa ka mid ah Xarunta Golaha wakiillada Galmudug oo si casir ah loo dhisay , laguna dhisay isku tashi dhex maray Maamulka Galmudug iyo shacabkeeda.
Sidoo kale Madaxweyne Xasan wuxuu xariga ka jaray Xarunta Mashruuca Nagaad oo ay fuliso Dolwadda Hoose ee Dhusamarreeb.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM







