HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo gaaray Dalka Masar,soona bandhigay fursado maalgashi

Madaxweyne Xassan oo gaaray Dalka Masar,soona bandhigay fursado maalgashi

May be an image of dais and textAl-Calamayn, Oktoobar, 03, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Al-calameyn ee dalka Masar kaga qaybgalay Madasha Ganacsiga Alcalamayn–Afrika, oo ay isugu yimaadeen madax, wasiirro, hoggaamiyeyaal, maalgashadeyaal iyo hay’adaha maaliyadeed ee qaaradda Afrika.

Madaxweynaha ayaa khudbaddiisa kaga hadlay isbeddellada dhaqaale iyo siyaasadeed ee dunida, muhiimadda iskaashiga iyo isku-xirka dhaqaale ee Afrika, isagoo soo bandhigay baahida loo qabo in dalalka qaaraddu ay si wanaagsan uga faa’iidaystaan khayraadkooda, awoodda dadkooda iyo fursadaha maalgashi ee ka jira suuqyada Afrika.

“Soomaaliya ma ahan oo keliya dal ka soo kabanaya colaado, waa dal dib u dhismaya oo dib-u-habeynaya dhaqaalihiisa. Waxa aan u furan nahay ganacsiga iyo maalgashiga, waana soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah in ay nala dhisto”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay ganacsatada Afrika, shirkadaha iyo maalgashadeyaasha caalamiga ah in ay ka qaybqaataan fursadaha ka jira Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in maalgashiga wax-soo-saarka leh uu muhiim u yahay abuurista shaqooyin, kobcinta dhaqaalaha iyo horumar waara.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa adkeeyay in mustaqbalka dhaqaale ee Afrika uu ku xirnaan doono iskaashi iyo maalgashi dhaqaale oo xooggan, iyadoo dalalka qaaraddu ay si wadajir ah u horumarinayaan ganacsiga, kaabeyaasha dhaqaalaha, maalgelinta iyo isku-xirka suuqyada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of daisMay be an image of lighting, dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people, lighting, speaker, dais and textMay be an image of daisMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais, newsroom and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of car, road and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -