HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo goor dhaw daah-furey Gogosha Wadatashiga Qaran+SAWIRRO

Madaxweyne Xassan oo goor dhaw daah-furey Gogosha Wadatashiga Qaran+SAWIRRO

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw Magaalada Muqdisho ka furmay Gogosha Wadatashiga Qaran ee Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh dhawaan ku casuumay siyaasiyiinta Soomaaliyeed  iyo ururada bulshada intaba.

Wasiirka Cadaalada Somalia Xasan Macalin oo ah Guddoomiyaha gudiga Qaban-qaabada Gogosha Wadatashiga ayaa sheegay ujeedada gogoshan qaran in looga gol leenahay Soomaali israacda.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u  daahfuray Gogosha Wadatashiga Qaran ,wuxuuna umadda Soomaaliyeed ugu baaqay adkaynta midnimada iyo wadajirka, isagoo ku booriyay in laga fogaado wax kasta oo dadka kala geynaya.

Hadalo kooban uu madaxweynuhu ka jeediyay goobta ayuu  ku sheegay in mucaarad iyo muxaafidba ay ka mideysan yihiin in aan dib loogu laaban doorashadii dadbanayd.

Madaxweynaha wuxuu carabka ku adkeeyay in laga qancin doono  madaxda su’aalaha ka qaba doorashada qof iyo cod, islamarkaana Dowaladu diyaar ula tahay inay wada-hadal kala gasho  si loo gaaro guul dhaxal-gal ah.

“Caalamka wuu nasiiyay wixii aan kaga baahnayn, balse waxaa qabyo ah shaqo inaga inoo taalay, oo ahayd in dadka Soomaaliyeed mar hore ka gudbaan si aan u dhisanno dowladnimo dhammaystiran,”ayuu mar kale yiri Madaxweyne XassanMay be an image of 9 people, table, lighting, dais and textMay be an image of 11 people, dais and textMay be an image of 9 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 11 people, dais and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -