HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo goor dhaw shir gudoomiyaya kulanka Golaha Wasiirada

Madaxweyne Xassan oo goor dhaw shir gudoomiyaya kulanka Golaha Wasiirada

May be an image of newsroom, dais and text that says "" M"Muqdisho, Oktoober 16, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta guddoomiyay kulanka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta qorshayaasha dowlad-dhiska iyo horumarinta adeegyada dadweynaha.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyay Wasiirrada in ay xoojiyaan wada-shaqeynta, isla xisaabtanka, iyo hufnaanta howlaha dowladda.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo laga gaaray dhinacyada amniga, dhaqaalaha, iyo dowlad-dhiska, iyadoo la xusay in lixdii bilood ee la soo dhaafay lagu dilay tiradii ugu badnayd ee Khawaarijta argagixisada, lana xoojiyay qalabeynta iyo tababarka ciidamada Qaranka. Sidoo kale, waxaa la tilmaamay in miisaaniyadda sanadka 2026 ay kor u kici doonto, lana qorsheeyay in kororkaasi lagu maalgeliyo adeegyada bulshada sida caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee muhiimka ah.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn ku adkeeyay Golaha Wasiirrada in ay si buuxda uga qeybqaataan dadaallada dimuqraadiyeynta dalka, si loo xoojiyo kalsoonida shacabka loona adkeeyo muuqaalka dowladnimada iyo wadajirka Qaranka Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Mohamed Dugoow,

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of newsroom and text that says "MAAS"May be an image of one or more people, suit, dais and newsroomMay be an image of daisMay be an image of one or more people, table and daisMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, dais, newsroom and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -