MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay ka hadlayay munaasabadii lagu soo bandhigaayay wax qabadka Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisulwasaare Xamza ayaa amaro culus dul dhigay muwaadiniinta Soomaaliyeed si ay u qaataan kaarka aqoonsiga Somalinimadaada cadeynaya.
Madaxweyne Xassan wuxuu sheegay in guud ahaan adeega bulshada ay ku xirnaan doonto in muwaadinku heysto kaarka aqoonsiga Somalinimo , tusaale ahaan arkay noqo ama ganasade noqo iyo qof bulshada u adeega noqo ama xitaa noqo qof gudaha iyo dibadaba u safraya mar kasta talaabada 1-aad waa inaad heysato kaarka.
Sida Madaxweynaha uu sahraxaad dheer ka bixiyay adeegyada oo kale bangi baad lacag ka doonatay ,shahaado ayaad doonatay, tikid aad ku safarto ayaad doonatay iyo xitaa sim Card-ka teeleefoonka dhamaan wuxuu sheegay in la is weydiin doono kaarka aqoonsiga Somalinimo.
“Maalin baa iman doonta diyaarad iska daaye xitaa aadan gaari raaci karin ee ha daahine doono kaarka aqoonsiga Somalinimo”ayuu yiri Madaxweynaha
Sidoo kale wuxuu sheegay in sida gaadiidka dadka taargo camal loo weydiin doono kaarka aqoonsiga sidaas daraadeed ayuu madaxweynuhu adkeeyay in kaarkaasi muhiim yahay.
Mar uu ka hadlayay waqti hore loogu daray qaadashada ayuu sheegay in mar kale waqi lagu dari doono si muwaadiniintu u heleen kaarkaasi.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
