Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Haawaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo uu ka dhagax dhigi doono mashaariic horumarineed.
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo masuuliyiin kale ayaa wafdiga Madaxweynaha Somalia kusoo dhoweeyay Deegaanada uu booqday.
Sida muuqaalka ka muuqata waxay booqdeen dhulka la doonayo inuu Madaxweynuhu ka dhagax dhigo mashaariicda cusub.
Sida horaba saxaafadu u hadal heysay waxaa lagu wadaa in Madaxweynuhu dhagax dhigo dhismaha Xarun Dayax-gacmeed oo Somalia ay yeelaneyso markii ugu horeysay.
SIdoo kale mashaariicda waxaa ka mid ah garoon diyaaradeed,Dekad iyo wadooyin isku xira Muqdisho iyo Hirshabelle gaar ahaan Gobolka shabeelaha dhexe.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
