MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Dr.Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaw gaaray xarunta tiyaatarka ee Degmada Warta-nabada halkaasoo uu codkiisa ka dhiibtay.
Boga cusub oo nabada ah,dumuquraadi ah ayaan cagta saarnay,Ilaaheey idinkiisna meel wanaagsan ayay na geyneysaa wadadaasi”ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Madaxweyne Xasan ayaa ku guuleystay inuu dalka ka hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah waliba qeybta hore ee Golaha deegaanka iyo Ururada siyaasada waxaana la rajeynayaa in Madaxwenahana lagu soo doorto doorasho dadweyne insha Allah.
Muuqaalka Muqdisho ayaa saaka aad uga duwan sidii ahaan jirey waxaana ka muuqata Magaalo sii hormareysa iyo shacab u diyaarsan inay hada wixii ka danbeeya soo doortaan hogaamiyihii ay iyagu rabaan.
“Mucaarad iyo muxaafad-ba tani waa mustaqbalkii dalka oo hana qaaday,waana hubaa inay mucaaradku maalin aan dhereyn inay ku soo biiri doonaan doorashadaan” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

