HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo ka hadlay xiisada dagaal ee u dhaxeysa Dalalka Itoobiya...

Madaxweyne Xassan oo ka hadlay xiisada dagaal ee u dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Dr.Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay
Tv-ga caalamiga ah ee Al Carabiya ayaa ka hadlay xiisada dagaal ee u dhexeysa labada dal ee Itoobiya iyo Eritrea kadib markii Tv-gu wax ka weydiiyay.
Madaxweyne Xasan oo wax laga weydiiyay sida uu u arko suurtagalnimada dagaal ka dhex qarxa Wadamada Itoobiya iyo Eritrea ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray inay xiisadaasi gaarsiisan tahay inay isku dhacaan Dalka.
“wararka nuucaasi ah ma aha kuwo xaqiiqo ku fadhiya, marka la eego xaalada hada taagan ma muujineyso wax dagaal ah oo labadaasi dal ka dhex taagan ama dhexmari kara”ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
Madaxweyne Xassan oo waresigaasi dhinacya badan wax laga weydiiyay ayaa dhanka kalana ku muujiyay in meel fiican ay mareyso qorshe ay Dowladiisu wada hadal kula galayso Maamulka Jubaland oo xurguf ay ka dhex taagneyd.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -