HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad...

Madaxweyne Xassan oo ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed+SAWIRRO

Baydhabo, 06, Luulyo, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay munaasabadda caleemo-saarka Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur, taasi oo ka dhacday magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo hambalyo u diray hoggaanka cusub ee Koonfur Galbeed ayaa bogaadiyey qabsoomidda hannaanka dimuqraadiyadeed ee horseeday doorashadii taariikhiga ahayd ee ka dhacday degmooyinka Koonfur Galbeed, isaga oo adkeeyey in iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyadu uu saldhig u yahay xasilloonida, amniga iyo horumarka dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in doorashooyinkii nabdoonaa ee taariikhiga ahaa ee ka qabsoomay deegaannada Koonfur Galbeed ay astaan u yihiin jihada cusub ee Soomaaliya u qaaday dhanka dimuqraadiyadda, xasilloonida iyo dowlad-dhiska, waxa uuna carrabka ku adkeeyay in dalku uu ka gudbay xilligii ay doorashooyinku ku koobnaayeen dano gaar ah iyo siyaasado shaqsi ku salaysan.

Munaasabadda caleemo-saarka waxaa ka soo qayb galay madax ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaasha qaar ka mid Dowlad Goboleedyada dalka, Danjireyaal, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka SoomaaliyaMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text that says "M H"May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, suit, dais and text that says "जा 告 Tn गही 竹げ"May be an image of one or more people, dais, crowd and textMay be an image of one or more people, crowd and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, suit and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, newsroom and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -