HomeWarkiiMadaxweyne Xassan oo khud-bad ka jeediyay shirka Adis-Ababa

Madaxweyne Xassan oo khud-bad ka jeediyay shirka Adis-Ababa

Addis Ababa, Sebteembar 8, 2025; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay magaalada Addis Ababa, isaga oo xusay muhiimadda iskaashiga heer Afrika ee xal-u-helidda dhibaatooyinka ka dhashay isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay tallaabooyinka ay dowladda Soomaaliya qaadday si loo xakameeyo saameynta isbeddelka cimilada kuwaas oo ay ka mid tahay soo gudbinta qorshaha qaran ee NDC oo kor loogu qaadayo adkaysiga deegaanka, hirgelinta ololaha caagaraynta oo lagu beerayo 10 milyan oo geed iyo sameynta Sanduuqa Qaran ee Cimilada.

“Soomaaliya door yar ayay ku leedahay asbaabaha keena isbeddelka cimilada, balse waxaan ka mid nahay dalalka ugu nugul dhibaatadeeda. Abaartii ugu xumeyd afartankii sano ee la soo dhaafay ayaa saamaysay 7.8 milyan oo qof, taas oo sababtay barakac iyo dhibaatooyin dhaqaale”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ugu baaqay beesha caalamka in la horumariyo iskaashiga wadajirka ah ee lagaga hortagayo isbeddelka cimilada iyo in shirkan ay ka soo baxaan tallaabooyin dhaxalgal ah oo heer qaaradeed ah.

DHAMMAADMay be an image of 2 people and daisMay be an image of 2 people, dais and text that says "ACS 2 Addis AddisAbaba Ababa"May be an image of 2 people, dais and textMay be an image of 1 person and lightingMay be an image of 3 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 2 people and clarinetMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 2 people, lighting, speaker and textMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 3 people, people studying and crowdMay be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 1 person, clarinet, trumpet, dais and textMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of 6 people, dais and textMay be an image of one or more people, people studying and crowdMay be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -