ADIS ABABA (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah uga qeybgalay xaflada daah-furka biya xireenka wabiga Niil ee mara Dalka Itoobiya kaasoo ay sheegeen inay koronto ka dhalinayaan.
Madaxweyne Xasan oo xulufo la ah Dalaka Masar iyo Ereteria ayaa shaki la gelinayay inuu ka qeybgeli doono daah-furka biya xireenka Itoobiya madaama Masar aysan raali ka ahayn balse waxaas oo dhan waxay meesha ka baxeen markii Madaxweyne Xassan oo saaka ka soo muuqday xaflada iyo dabaal dega Itoobiyaanka.
Madaxweyne Xasan khudbad gaaban uu ka jeediyay munaasabada ayuu ka dhawaajiyay in Somalia ay fursad u heshay in biyo xidheenkan weeyn ee Itoobiya uu noqdo midka ifiya ama koronta siiya jiilka danbe ee Soomaalida.
“Nasiib wanaag waxaan fursad uhelnay in biyo xidheenkan weeyn ee Itoobiya uu noqdo midka ifiya ama koronta siiya faca iyo caruurta noo dhalan doonta” ayuu yiri Madaxweyne Xassan.
Sidoo kale Madaxweynaha Koofurta Sudan ayaa isna ka sheegay xaflada in dalkiisu itoobiya ka iibsan doono korontada ay ka dhalinayaan bya xireenka wabiga ee maanta la daah-furey.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
